Maalgelinta yaryar iyo lacagta moobaylka: Agabka awooda badan ee horumarinta Afrika

4/14/2022

Ku dhawaad 57% dadweynaha Afrika, ku dhawaad 95 milyan oo qof, ayaan lahayn xisaab bangi oo dhaqameed.

Qaar badan, tani waxay la macno tahay inaysan awoodin inay lacag diraan, lacag kaydsadaan ama ay helaan amaah; Waxa kale oo ay la macno tahay inay la kulmaan khataraha la xiriira isticmaalka lacagta caddaanka ah - kuwa aan banki isticmaali karin ayaa aad ugu nugul ah inay noqdaan dhibanayaal dembi.

Waa maxay jawaabta suurtagalka ah? Maalgelinta yaryar, waa nooc ka mid ah bankiyada bixiya adeegyada maaliyadeed ee shakhsiyaadka dakhligoodu hooseeyo ama kooxo dad ah oo aan si kale u heli karin dhaqaale.

Habkan cusub ee bankiyada dhijitaalka ah ayaa u doodayaashu ku tilmaameen inuu yahay mid wax ku ool ah oo yaraayo faqrinimada iyo ah agabka horumarinta aadanaha.

Sinnaanta maaliyadeed waxay dad badani u arkaan inay tahay mid socon karta, hab aad muhiim u ah si ay dadka Afrikaanka u helaan faa'iidooyinka bankiyada aasaasiga ah oo ay u maamulaan dhaqaalahooda.

Qorshooyin oo ay ka mid yihiin deymaha maalgelinta yaryar iyo lacag-bixinta telefoonka gacanta/moobaylka ayaa helaya soo jiidasho iyo taageero maadaama ay yihiin nidaamyo ka sii dardar badan, oo ku habboon caawinta jiilkan aan muuqan ee macaamiil banki.

Nidaamyadan cusub waxaa loola jeeedaa in dadka iyo ganacsatadu ay si xor ah u heli karaan badeecooyin iyo adeegyo maaliyadeed oo faa'iido leh iyo la awoodi karo, kuwaaso daboolaya baahidooda - wax kala iibsiga, lacag-bixinta, kaydinta, deynta, iyo caymiska. – dhammaan lagu baxsho si xilkasnimo leh oo waara ah.

Qalabka ugu caansan ee maalgelinta yaryar waa amaah yaryar, kaasoo fidiya deymo yaryar (inta u dhaxaysa $50-$1,500), inta badan dammaanad la'aan, bulshooyinka soo koraya.

Maadaama uu yahay adeeg maaliyadeed, waxa kale oo si toos ah loo isticmaali karaa in lagu xoojiyo ganacsatada iyo ganacsiyada yaryar, iyada oo ka caawinaysa xubnaha bulshada inay noqdaan kuwo madax-banaan dhaqaale ahaan.

Adeegyada maaliyadeed ee moobaylka iyo fintech (adeegyada maaliyadeeed ee farsamada) ayaa si gaar ah rajo uga leh Afrika halkaasoo sinnaanta maaliyadeed ay tahay 43% kaliya (halka isticmaalka telefoonada gacanta uu ku dhow yahay 90%).

Shirkado badan ee maalgelinta yaryar waa kuwo asal ahaan isku-dhafan; ka shaqeeya kordhinta sinnaanta maaliyadeed iyo yaraynta saboolnimada iyagoo isla markaasna ilaalinayo yoolal dhaqaale ahaan waara ah.

Tansaaniya, haweenka ka soo jeeda dadka danyarta ah waxay heli karaan deymo yaryar si ay u horumariyaan ganacsigooda oo ay uga qayb qaataan dakhliga qoyskooda. Senigaalna, carruurtii darbijiifka ah (oo loo yaqaan Talibés) ayaa isticmaala maalgalin yar si ay uga caawiso inay sugaan mustaqbal xasiloon iyada oo loo marayo ganacsiyo yaryar.

Maalgelinta yar-yar ayaa sidoo kale mas'uul ka ahayd soo saarista faa'iidooyin aan dhaqaale ahayn, sida caafimaadka, sugnaanta cuntada, nafaqeynta, waxbarashada, awood-siinta haweenka, guriyeynta, shaqo-abuurka iyo wadajirka bulshada.

Shirkadaha maalgelinta yaryar waxay had iyo jeer u baahan yihiin inay miisaamiyaan faa'iidada ay rabaan inay u abuuraan bulshada marka loo eego soo celinta maaliyadeed. Si kastaba ha noqotee, waxaa jiray walaac laga lahaa shirkado qaarkood oo ka faa'iidaysta dadka nugul.

Nayjeeriya, dadka maxalliga ah ayaa sheegaya in bankiyada ay ka faa'iideystaan quusta dadka iyo aqoon la'aanta haysata qaar badan oo ka mid ah haweenka ka shaqeeya suuqa iyagoo gelinaya kharashyo qarsoon sida dulsaar dheeri ah iyo lacago kala duwan oo aan la sharraxin, kaasoo heerka ribada ee ka dhigaayo mid ka sarreeya 20%.

Weli, xittaa haddii deynta sidaas loo baxsho, machadku wuxuu u adeegaa sidii mid ka mid ah halbawlaha dhaqaale ee kaliya ay heli karaan dad badan oo Nayjeeriya ah. Waxa ay bixisa lacag caddaan ah oo aadka loogu baahan yahay iyada oo aan la helin hannaanka adag ee adeegyada bankiyada caadiga ah iyo codsiggooda inaad bixiso dammaanad.

Barnaamijka bankiga dhijitaalka ee moobaylka ah iyo maalgelinta yaryar ee M-Pesa ayaa laga isticmaalaa meel walba ee dalka Kenya, iyadoo ay isticmaalaan in ka badan 28.3 milyan qofood - markii la eego in dadweynaha qaangaarka ah ay yihiin 30.3 milyan - iyo wuxuu leeeyahay 248,000 wakiilo.

Hal sano gudaheed, in ka badan $200 bilyan ayaa ku soo qulqulay barnaamijka M-Pesa ee Kenya, oo u dhiganta in ka badan 2 jeer wax soo saarka guud ee dalka.

Saamaynta M-Pesa ee dhaqaalaha Kenya ayaa ahaa mid muuqata. Hal daraasad ayaa ku qiyaastay in M-Pesa ay kor u kicisay heerka isticmaalka qof kasta iyo ka saartey faqrinimada 2% ee qoysaska Kenya. Iyadoo la kordhinayo adkeysiga maaliyadeed iyo kaydinta iyo abuurista doorasho xirfadeed oo weyn.

Siyaasad-dejiyeyaasha, shirkadaha fintech, iyo ganacsatada farsamada waxbarashada waxay ballan qaadayaan inay ku xisaabtamaan saamayntan si ay uga caawiyaan shirkadaha maaalgelinta yar-yar inay isticmaalaan tignoolajiyada moobaylka si ay u kordhiyaan awoodooda dhaqaale iyo xoojinta wacyigelinta bulshada.

"Qofku wuxuu ku bixin karaa cuntada huteelka shanta xiddigle ah isagoo isticmaalaya M-Pesa oo waliba wuxuu xittaa M-Pesa ku bixin karaa koob shaaha ah ee lagu iibiyo dukaan wadada dhinaceeda ku yaala"
Barafasoor Njunguna Ndung'u, Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Kenya

Maalgelinta yar-yar iyo barnaamijyada lacagta moobaylka ayaa hadda loo arkaa inay lama huraan u yihiin in lagu xalliyo kala qaybsanaanta nidaamka rasmiga ah/aan rasmiga ahayn ee dhammaan suuqyada, taasoo siinaysa dad badan oo Afrikaan ah awoodda ay ku maamulaan maaliyaddooda mustaqbalka.

La xidhiidha