Lacag Ku Dirid Hab Telefoon ah. Waa maxay sababta ay Kenyanku isku halleeyaan mustaqbalka maaliyadda telefoonka gacanta.

3/2/2023

Sannadkii 2011kii, 8% kaliya ee dadka Afrikaanka ah ayaa heli jiray internet, laakiin 52% waxay haysteen telefoonka gacanta. Dhaqaale oo kor u sii kacaaya oo badanaa lagu isticmaalo hab dhaqaale aan rasmi ahayn iyo aan laga heli karin banki, halkaaso qiyaas ahaan rubuc uun ee ka mid ah dadka waaweyn ay leeyihiin nooc akoon banki, telefoonada gacanta ayaa muhiim u ahaa ka qayb qaadasho maaliyadeed ka badan iyo awood u siisay lacag-bixinta dhijitaalka ah - xittaa inkastoo ay dadku ku xirnayn internetka.

‘Waxay dhisteen jid iyaga u gaar ah si ay ku biiraan dhaqaalaha: ayagoo isticmalaayo telefoonada caadiga ah’ ayuu yiri Andre Allain, VP of Growth ee EBANX.

Macaamiisha caqliga leh. Telefoonada Caadiga ah

Waxaa lagu bilaabey adeegga lacag-wareejinta P2P ee telefoonada caadiga ah, adeeggu hadda wuxuu noqday habka la doorbido si lacag lagu kala wareejiyo qaaradda oo dhan, ayadoo ay isticmaalaan labaduuba kuwa leh akoon banki iyo kuwan aan lahayn, ammaankiisa iyo ku habboonaantiisa awgeed.

Isticmaalayaasha M-Pesa waxay lacag caddaan ah siin karaan kaaliyaha dukaanka, kaasoo ka dib ku wareejiya akoonkooda telefoon. Isticmaaluhu waxa uu markaas bixin karaa lacag (ama heli karaa lacag) isaga oo lambarkiisa telefoon siinaayo isticmaale kale, ama ganacsi (halkaasoo lambarada taleefoonku u shaqeynayaan sidii lambar akoon).

Maanta, M-PESA waxay u adeegtaa in ka badan 51 milyan oo macaamiil ah oo kala joogaa toddoba wadan ee Afrika ku yaalo, waxayna la jaanqaadday baahida macaamiisha iyadoo sii wadey ku darista astaamo cusub, sida lacag-bixinta, deyn, xawaaladaha caalamiga ah, iyo falanqaynta ganacsiga iyo taageerada.

Meelaha intooda badan, in ka badan 50% ee wax soo saarka guud ee wadamada intooda badan waxa ay maraan nidaamka lacag bixinta dhijitaalka ah; Kenya waxa ay gaartay ku dhawaad 70%.

Ka dib markii si guul leh ka bilowday Kenya, adeegga waxaa hadda laga heli karaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Masar, Ghana, Lesotho, Mozambik, iyo Tansaaniya. Tirada macaamiisha firfircoon ee M-PESA ayaa la sheegay inay labanlaabmeen shantii sano ee la soo dhaafay, taasoo kor u dhaaftay 50 milyan oo macaamiil firfircoon bishii 2022, kaasina waxay xoojisay booskeeda sida madalka tignoolajiyada maaliyadeed ee ugu weyn Afrika.

‘Iyadoo u fududeysay dadka Kenya ah ee ka socda heer kasta oo dhaqaale inay isticmaalaan telefoonadooda gacanta si ay si la isku hallayn karo oo degdeg ah lacag isku gudbiyaan, M-Pesa waxay sidoo kale muujisay sida dhakhsaha leh ee dabeecadda bini'aadamka u bedeli karo marka la siiyo hab ka duwan ee wanaagsan

Waa maxay sababta M-Pesa muhiim u tahay

Sitoyo Lopokoiyit, oo ah maamulaha guud ee M-Pesa Africa iyo madaxa adeegyada maaliyadeed ee Safaricom, ayaa yiri:

'Madalka adeegyada maaliyadeed ee telefoonka gacanta sida M-Pesa waa hab lagama marmaan ah ee ka mid noqoshada dhaqaalaha bulshada, kaasoo wanaajin karo fursadaha nololeed ee shakhsi ahaaneed iyo awood siiyo ganacsiyada inay hawlgalaan oo sii weynaadaan, u keenaan hanti iyo shaqooyin dalalka dhaqaalahooda soo koraaya.'

‘Waxaa jira caqabado hor tagaan helitaanka hababkaan maliyadeed - oo ay ku jiraan aqoonta waxyaabaha dhijitaalka ah iyo helitaanka telefoonada caaqilka ah/casriga ah - iyo horumarintooda - iyada oo la adeegsanayo nidaam siman ee adeegyada maaliyadeed ee aan rasmiga ahayn ee waddamo badan.’

Natiijooyinka sahan ganacsi oo dhawaan laga sameeyay Kenya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda sii socota ee adeegga lacag-bixinta telefoonka gacanta ee ugu horreeya adduunka 15 sano kadib markii la bilaabey:

● 17.6 milyan isticmaaleyaalka hadda ee afarta waddan ma haysan jirin adeegyo maaliyadeed oo rasmi ah ka hor intaysan isticmaalin M-Pesa.

● 98% ganacsiyada la waraystay ayaa sheegay in M-Pesa ay ka caawiso ganacsigooda, iyada oo faa'iidooyinka ugu weyn ee M-Pesa ay tahay habka fudud ee si ammaan iyo deg-deg ah lagu bixin karo lacag iyo awood u yeelashada ku iibinta alaabada iyo adeegyada internetka.

● 95% ganacsiyada la waraystay ayaa tilmaamay in ay isticmaalaan M-Pesa ugu yaraan bar ka mid ah wax iibsigooda ganacsi.

Isha: Xog laga helay Sahaaminta Vodafone

Awood-siinta Dhaqaale ee Dumarka

Qoysaska ay dumarku hoggaamiyaan ayaa arkay koror dhaqaale aad uga weyn midka ay hoggaamiyaan ragga. Intaa waxaa dheer, adeegyada lacag-bixinta telefoonka gacanta ayaa caawiyay qiyaastii 185,000 oo haween inay ka gudbaan beer-falasho una gudbaan shaqooyin ganacsi.

Kordhinta cufnaanta wakiillada (tusaale ahaan awood u yeelashada helitaanka gacasiyada M-Pesa laga aqbalo) ayaa sababay in ilaa 3% dumar ka socda labada qoys ee dumar iyo rag hogaamiyaan ay bilaabaan ganacsi ama tafaariiq halkii ay beeralay ahaan lahaayeen. Shaqooyinkani guud ahaan waxay ka koobnaayeen ganacsiyo hal qof leh oo ku salaysan wax soo saarka iyo iibinta alaabta, taas oo ay fududaysay lacagta telefonka gacanta.

‘Idinka (isticmaalayaasha M-Pesa) waxaad beeran jirteen khudaar, laakiin hadda waxaad khudaartiina geysaan suuqa si aad si toos ah u iibisaan, ama waxaad furataan gaari yar oo cunto lagu iibiyo ama dukaan,’ ayuu yiri dhaqaalayahanka MIT Taveneet Suri

Ka Faa'iideysiga M-Pesa

Lacagta telefoonka gacanta waxa ay muhiim u ahaayeen aasaaska ka mid noqoshada maaliyadeed uu telefoonka gacanta hoggaamiyo; Caawinta dadka aan hore u haysan akoon banki si ay naftooda uga saaraan saboolnimada, oo ay naftooda siiyaan fursadda ugu wanaagsan ay ku noqdaan madax-bannaan dhaqaale ahaan.

Ayadoo leh dadweyne da' yar oo dhaqaalaha diiradda saaraya (da'da in ka badan 50% ee dadweynaha qaaradda Afrika wuxuu ka hooseeya 18 sano jir) iyo kordhinta isticmaalka telefoonka caaqilka, mustaqbalka M-Pesa iyo awood-bixiyeyaasha maaliyadeed kale wuxuu u muqdaa inuu yahay mid si xooggan u wanaagsan.

Markii badeecadaha kale ee lagu dhisay madalka lacag-bxinta telefoonka gacanta la sii horumariyo, sinnaanta maaliyadeed ayaa sii fiicnaan doono iyo isticmaalayaasha waxay heli doonaan awood ay ku wanaajiyaan maaraynta ilahooda dhaqaale. Alaabooyinka kale waxay u oggolaanayaan isticmaaleyaasha, tusaale ahaan, inay dulsaar ka heelaan lacagta kaydka, helaan amaah-yar iyo caymis la awoodi karo, iyo inay maalgashi ku sameeyaan warqadaha bankiga ee dawladda.

Ma noqon doonto mid khilaaf la'aan ah, maadaama ay bankiyadu isku dayayaan inay ka faa'iidaystaan suuqaan miro-dhalka ah ee lacag-bixinta telefoonka gacanta. Bishii Disembar 2022, bankiyada waxaa si sharci ah loo oggolaaday inay dib u bilaabaan kharashka wax kala iibsiga ee marka macaamiishu u xawilaan lacagaha telefoonka gacanta akoonnada bankiga, iyo sidoo kale marka biilasha lagu baxiyo M-Pesa.

Lacagta telefoonka gacanta ayaa isbeddel wayn ku yeeshay Kenya, waxayna hadda awood u leedahay inay si la mid ah u faa'iideyso waddamada deriska ah.

La xidhiidha