Miyuu waara yahay, hal-abuur yahay, kobcin leeyay? Sida xeryaha qaxootigu ay u faa'iidayn karaan bulshooyinka dalalka ay marti ka yihiin iyo dadka degganba

6/24/2022

Miyuu waara yahay, hal-abuur yahay, kobcin leeyay? Sida xeryaha qaxootigu ay u faa'iidayn karaan bulshooyinka dalalka ay marti ka yihiin iyo dadka degganba
'Xerada Qaxoontiga Kakuma waxa ay fursad siinaysaa qaxootiga, kaaso aan laga heli karin meel kale oo Kenya ah.'
Tayyar Sukru Cansizoglu, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR)

Kakuma. Waa xero qaxooti magac ahaan uun. Iyada oo ay ku nool yihiin dad ka badan 230,000 iyo 2,000 oo dukaamo iyo ganacsiyo shaqeynaya, xeradaan magan-gal ee ballaaran ayaa leh dhammaan astaamaha lagu garto magaalo mashquul badan oo Kenya ah.

Xeradaasi oo ku taalla gobolka Waqooyi-galbeed ee dalka, waxaa la aasaasay sannadkii 1992-kii, kaddib markii ay ku soo qulqulayeen qoxooti ka yimid dalalka dariska ah oo ay ka mid yihiin Suudaan, Itoobiya iyo Soomaaliya, ka dib markii dalalkaas ka dhaceen colaado iyo qalalaas siyaasadeed.

Barnaamijyada aasaasiga ah ee bini'aadantinimo ee Kakuma iyo xerooyinka kale ee qaxootiga waxaa loo dejiyay iyadoo loo malaynayo inay yihiin kuwo ku meel gaar ah, sidaas darteed ma ahan xal waara oo ay degnadaan dadka si qasab ah dalkooda ka soo barakacay. Hadda waxaa ku nool dad ka kala yimid sagaal iyo toban waddan oo kala duwan, celcelis ahaan qaxootiga waxay Kakuma ku nool yihiin 17 sano.

Dhawr ka mid ah xeryaha Kenya, oo ay ku jiraan Kaakuma iyo Dhadhaab, ayaa noqday xudun dhaqaale, iyagoo soo jiidanaya dhaqaalaha gudaha iyo maalgashiga. Tuulada Kalobeyei, oo ku ag taalo Kakuma, waxay tilmaam u tahay hab cusub oo loogu suurtagelinayo inay qaxootiga mustaqbalka noqdaan kuwo isku kalsoon.

Ayadoo ka soo horjeeddo fikradaha khaldan ee caanka ah, qaxootiga hadda waxay u badan tahay inaan loo arkin sida kuwo gargaarka la siiyo iska qaato, oo waxaa loo arkaa sida kuwo si firfircoon ku biiro dhaqaalaha iyo suuqa sii kordhaya. Xerada waxaa hoy u ah ganacsato leh meherado ganacsi oo isugu jira maqaayado qaxwaha ilaa xafiisyada wararka.

Miyeey waarta noqon kartaa wax mudnaan u ah qaxootiga?

"Horumar daboolaya baahida hadda jirta iyada oo aan la wiiqin awoodda jiilalka mustaqbalka si ay u daboolaan baahidooda." Qeexitaanka warbixinta Qaramada Midoobay ee horumarka waara Qeexitaanka warbixinta Qaramada Midoobay ee horumarka waara

Dadaal wada jir ah oo lagu dhisayo mustaqbal loo dhan yahay, waara ah oo adkeysi u leh dadka iyo meeraha - Kuwani ma ahan ujeedooyin cusub, haddaba sidee loo gaari karaa?

Si malaayiinta looga saaro faqriga, waxaa ummadaha laga codsanayaa inay horumariyaan kobac dhaqaale oo waara ah, loo dhan yahay oo loo siman yahay, loo abuuro fursado waaweyn dhammaan dadka, loona yareeyo sinnaan la'aanta, iyadoo kor loo qaadayo heerarka aasaasiga ah ee nolosha.

Iyadoo xoogaga hawl-fulinta sida Qaramada Midoobay ay dejiyaan xeelado caalami ah, kuwa ay sida xun u saameeyeen caqabadaha adduunka ayaa inta badan sida ugu wanaagsan ku nool xaalad ay ku ogaadaan oo ay ku hirgeliyaan xalal la taaban karo.

Dadka lagu qasbay inay ka cararaan iska-horimaadyada, cadaadiska iyo dhibaatooyinka bini'aadantinimo, waxay inta badan ogaadaan dariiqooyin ay ku beeran karaan si waara ah, dhisi karaan ganacsiyo kobcaya iyo, dhawaanahan, naqshadeynta xalalka si looga hortago faafitaanka COVID-19.

Qaxootiga iyo martigaliyayaasha – Miyeey ka fiican yihiin si wada jir ah?

'Maadaamada qaxootiga Kakuma iyo Kenyaanka ay awoodaan in ay iskuul isla tagaan, isla wada shaqeystaan oo ay ka ganacsadaan si wadajir ah xerada iyo Kalobeyei (tuulo u dhow xarada) waxay muujineysaa awoodda bulsho iyo dhaqaale ee togan ee is-dhexgalka qaxootiga.'
Tayyar Sukru Cansizoglu

La furay 2016-kii, tuulada Kalobeyei waxaa loo aasaasay si kor loogu qaado oo loo dhexgeliyo isku-kalsoonaanta qaxootiga oo ay weheliso martigaliyayaasha. Si loo dhiirigaliyo mabaadi'daan, xeradu waxay ku dhaqaaqday waxqabadyo ku salaysan lacag caddaan ah si ay u daboolaan baahiyaha guriyeynta iyo nafaqada, tababarka lagu taageerayo kartida ganacsi ee qaxootiga iyo martigeliyayaasha, iyo mashaariicda beeraha si lagu dhirrigeliyo wax ku beerida dhulka engegan iyo 'beeraha yaryar' ee guriga laga sameeyo.

Hay'adaha horumarinta oo uu ku jiro Bankiga Adduunka waxaa ka go'an in ay sii kordhiyaan isbeddelkan iyaga oo taageeraya qaxootiga iyo bulshooyinka martigaliyayaasha siyaabo dhammaystiraya, halkii ay bedeli lahaayeen, shaqada la-hawlgalayaasha bani'aadamnimada.

Xittaa maadaama Kaakuma la xiri doono sanadkan, haddana waxa ay hore u soo bandhigtay tusaalayaal wax ku ool ah oo ku saabsan sababta horumarka waara iyo xasilloonida muddada fog ay u noqdaan kuwo mudnaan laga diin doono xeryaha qaxootiga, iyo in wax ka badan la maal-geliyo sidii xal loogu heli lahaa barakicinta qasabka ah.

Saamaynta togan ee xerooyinka ayaa durbaba horudhac u ah siyaasiyiinta. 2021-kii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saxiixay Xeerka Qaxootiga, isagoo nus malyuun qaxooti ah siinaya fursad ay wax ku bartaan, nolol maalmeedkoodaku helaan, iyo dhexgalaan bulshada, halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen gargaarka bini’aadantinimo.

Iyadoo magaalooyinka qaxootiga ee Kenya ay yihiin kuwo aan caadi ahayn marka loo eego cabbirkooda iyo hindisahooda, arrimaha bini'aadanimo ay wajahayaan waa mid caalami ah. Abuuritaanka khariidad xog ogaal ah oo horumarsan waa lama huraan si loo hormariyo ujeedadooda; Samaynta iyo joogteynta helitaanka tamar waara ah, kheyraad, iyo wacyigelin leh waxay gacan ka geysan doontaa xoojinta dadka halkaas ku nool si ay u maamulaan mustaqbalkooda.

La xidhiidha