Duulimaadyada xiisaha leh: Sida diyaaradaha aan duuliye lahayn ay dib ugu soo nooleynayaan saadka Afrika

11/1/2022

Duulimaadyada xiisaha leh: Sida diyaaradaha aan duuliye lahayn ay dib ugu soo nooleynayaan saadka Afrika

Kaabayaasha Afrika waxay had iyo jeer ahaayeen kuwo dhowr tallaabo ka dambeeya horumarka ay rabaan muwaadiniinteeda. Dhulku muqaal ahaan wuxuu u dhexeeyaa mid kaymo roobaad ilaa buuro leh, iyo saxare ilaa meelo duur ah. Waddooyinkana, meelaha ay ka jiraan, ayaa ah kuwo si xun loo dayactiray, oo godad leh iyo aad khatar u ah.

Haynta silsilad saad oo si adag loo habeeyey iyo la isku halayn karo waa hawl nidaam darran oo adag, kaaso ku qasbaaya ganacsiyada inuu kharash ka galo iyo muwaadiniinta aysan helin waxyaabaha daruuriga ah toddobaadyo markiiba.

Xittaa haddii uu maal-gashigu ku sii socdo mashaariicda caanka ah sida madaarka cusub ee Kenya, kani lama mid ahan maalgelinta isku xirka gaadiidka, gaar ahaan meelaha fogfog iyo miyiga.

Inkastoo dhibaatoyinkaan aysan ahayn kuwo gaar u ah Afrika, haddana xalalka muuqda ee hadda soo baxaya ayaa ah kuwo gaar u ah Afrika. Shirkadaha cusub ee tegnoolojiyadda Afrika ayaa isticmaalaya diyaaradihii ugu dambeeyay ee aan duuliye lahayn (drones) si ay uga gudbaan dhibaatoyinka hore oo weli aan wax laga qaban, iyagoo si degdeg ah wax ka qabanaayo wax gaarsiinta ilaa abuurka dhirta.

Miyuu diyaarada aan duuliye lahayn wax gaarsiin karaa?

Ghana 2027. Cirku waxaa ku duulaayo kumanaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo meelo gaarsiinayaa sahayda caafimaad ee aasaasiga ah, qaybaha injineernimada muhiimka ah iyo qalabyada sirta ah ee shirkadda.

Tani waa aragtida shirkadda fadhigeedu yahay Ghana ee lagu magacaabo Continental Drones Ltd; waxay rabaan inay isticmaalaan diyaarado tiro badan oo aan duuliye lahayn si ay si deg-deg ah, la awoodi karo iyo hab la isku halayn karo wax ku gaarsiiyaan meelo badan oo ay wax ka beddelaan saadka Afrika.

Iyada oo ay weheliso shirkadda Jarmalka ee hormuud ku ah wax ku gaarsiinta diyaarada aan duuliye lahayn Wingcopter, shirkadda Ghana ayaa hadda saxiixday heshiis ay ku soo saarayso 12,000 oo diyaaradaha aan duuliye lahayn si ay wax u gaarsiiyaan qaaradda Afrika shanta sano ee soo socota. Ayadoo sidoo kale hagaajin doonaa saadka iyo silsiladaha sahayda, shirkaddu waxay sidoo kale kalsooni ku qabtaa inay kor u qaadi karaan horumarka dhaqaalaha wadamada iyagoo si wax ku ool ah isku xiraayo bulshooyinka iyo abuuraya fursado shaqo cusub oo diirada saarayo ka shaqaynta shabakadahaan wax gaarsiinta.

Ghana waa goobta tijaabada ah, iyadoo shirkaddu ay rabto inay soo saarto iyo isticmaasho 12,000 Wingcopter 198s, 'diyaarada aan duuliye lahayn ee ugu casriyaysan adduunka' iyo geyso 49 waddan oo Afrikaan ah.

'Shabakadaha wax gaarsiinta ee ku saleysan diyaarad aan duuliye lahayn waxay bixiyaan fursad dhab ah oo lagu kordhinaayo horumarka dhaqaalaha iyo lagu wanaajinaayo hab-nololeedka malaayiin qofood. Wadamada Afrika waxay muujiyeen hindise dhab ah iyagoo hirgalinaaya farsamadan casriga ah si ay u wanaajiyaan nolosha dadkooda iyo jiilalka soo socda” Alexander Asiedu, aasaasaha Continental Drones Ltd.

Faa'iidoyinka waaweyn ee doofaar dhaqashada Ruwaanda

Meelaha kale ee Afrika, barnaamijyada yar-yar ee diyaarad aan duuliye lahayn ayaa faa'iidooyin waaweyn u keena bulshada deegaanka.

Ruwaanda, dawladdu waxay iskaashi la samaysay shirkadda diyaarad aan duuliye lahayn ee Zipline Rwanda, si ay dadka doofaarada dhaqda uga caawiso arrimaha saadka ee dhibka ah iyo safarka inta lagu jiro xilliga taranka.

Guud ahaan Ruwaanda, dhaqashada doofaarka ayaa u ahaan karo madax-xanuun gaar ahaan beeralayda yar-yar oo inta badan u safra dhowr kiilomitir si ay u soo kiraystaan doofaar lab ah ama soo qaataan shahwada doofaarka. Waqtigan xaadirka ah, shahwada doofaarka, iyo doofaarrada labka ah, waxaa loo kala qaada beeraha dhaxdooda, inta badan waxaa la geeyaa iyo laga soo qaadaa meelo aad u fog.

Markii la isticmaalo nidaamka gaarsiinta diyaaradaha aan duuliye lahayn, beeraleyda doofaarka dhaqdo ayaa dalban kara shahwada, takhtarka xoolaha ayaa markaa shahwada ku uurayn karo doofaarkooda dheddiga ah, halkii ay ka bixin lahaayeen kharashka haynta doofaarka labka ah, kaasoo qaali ah iyo sababi kara cuduro [maadaama uu uur qaadsiin karo doofaarro badan oo dheddig ah].

Sida laga soo xigtay Zipwire, waxay ku qaadataa ku dhawaad 45 daqiiqo in diyaarad aan duuliye lahayn ay shahwada doofaarka ka soo qaado Degmada Muhanga iyo keento Degmada Nyamasheke - fogaansho dhan 180 km, taas oo inta badan ku qaadanaysa saddex saacadood oo baabuur ah. Zipline Rwanda waxay ku andacoonaysaa in ay awood u leedahay in ay hal mar wada shaqaysiin karto ilaa 28 diyaaradood aan duuliye lahayn, iyada oo mid kasta awoodo inuu qaado ilaa 2 kg, xitaa waxa ay gaarsiin karaan baakadaha iyagoo aan soo degin (macanaheeda waa in loo baahnayn dhabbaha dayuuradaha).

Waxaa dheeraad ka ah saadka iyo gaadiidka oo ay beeralaydu soo dhaweeyeen waa fursada in ay si fiican u xushtaan tayada xoolaha (sababtoo ah jiilkii hore waxay ku tashan jireen tiro yar ee doofaar lab ah). Beeralayda doofaarka dhaqdo ayaa hadda dooran kara shahwada doofaar saafi ah ee laga keenay Yurub, kaasoo kordhinaysaa kala duwanaanshaha noocyada hidda-wadaha ee doofaarkooda iyo ku caawinaayo ilaalinta mustaqbalka xoolahooda.

Tallaalada COVID ee lagu gaarsiiyey hawada

'Waxaan in ka badan kun xaruumood oo caafimaad gaarsiinay in ka badan hal milyan oo tallaal COVID-19 ah; gaarsiinta heer qaran ee ugu horeysay ee adduunka ee tallaalka COVID-19'. Catherine Odiase, maamulaha guud ee Zipline Nayjeeriya.

Gobolka Kaduna ee Nayjeeriya wuxuu iskaashi la sameeyay laanta caalamiga ah ee Zipline si Kaduna oo dhan la gaarsiiyo agabka caafimaadka iyo alaabta macaamiisha, iskaashigaas oo keenay guulo degdeg ah iyo horumar tan iyo markii la bilaabay Juun 2022.

Kaduna ayaa sii koradhaaya inuu noqdo noqonaaya bartamaha rabshadaha Nayjeeriya, kaaso tartan la galay gobolka Borno, oo ah halka ay ku nool yihiin Boko Haram. Dhulka miyiga ah, colaadaha ka dhasha isticmaalka biyaha iyo dhulka ayaa sii kordhaya, waxaana dhaqdhaqaaqyo ka wada ururka Ansaaru oo ah koox Islaami ah oo sidaas caan u ahayn. Ku gaarsiinta tallaalka diyaarad aan duuliye lahayn ayaa gacan ka geystay samaynta saadad sugan oo joogto ah kuwaas oo ay adag tahay in la dhexgalo ama inay saameyn ku yeeshaan kooxaha qaswadayaasha.

Odiase wuxuu sheegay in mashruuca Kaduna, oo u adeegaya dad gaaraya 10 milyan, uu yahay kan ugu guul badan, kaasoo sabab u ah heerka iskaashiga iyo xamaasadda ka timid waaxyo iyo dhinacyo badan - shirkadda, dawladda hoose iyo waaxaha daryeelka caafimaadka.

Adeegga diyaaradda aan duuliye lahayn ayaa sidoo kale saameyn degdeg ah ku yeeshay waddamada kale ee Afrika, kaasoo dhawaan si xawli ah ugu fiday Ghana si uu u daboolo baahida loo leeyahay, isagoo kor u qaadey hawsha oo mar hore ahaan jiray 160 xarumood sanadka 2019 haddana yahay ku dhawaad 2,300. Waqtigaas, Zipline Ghana waxay ku duushay 13 milyan oo mayl waxayna qaadey in ka badan shan milyan tallaal, kaasoo dheeraad u ah alaabada dhiigga iyo daawooyinka kale ee muhiimka ah.

Wada-shaqeynta aan la leenahay Zipline waxay door muhiim ah ka ciyaartay maamulka adag uu Ghana ku yeeshay tallaallada COVID-19 si loola dagaallamo masiibada iyo la kobciyo bulshooyin caafimaad qaba," Dr. Patrick Kuma-Aboagye Agaasimaha Guud ee Adeegga Caafimaadka Ghana.

Mustaqbalka Afrika ayaa bilaabmay

Waxqabadyadani waxay muujinayaan in diyaaradaha aan duuliye lahayn ay xalal cusub siin karaan qaar badan oo ka mid ah kaabayaasha qalafsan ee Afrika, dhibaatooyinka saadka iyo sahayda, iyagoo caawinaya ganacsiyada cusub iyo bulshooyinka miyiga ku nool.

Bixinta sahayda muhiimka ah ayaa mar hore wax ka beddeshay helitaanka adeegga caafimaadka ee miyiga Ghana, tanina waxay u eg tahay inay noqon doonto hal ka mid ah 'xalalka degdega ah' ee badan ee ugu horreeysay oo ay diyaaradaha aan duuliye lahayn bixin karaan. Dabagalka amniga, la socodka is-bedelka cimilada, iyo xitaa gaarsiinta cuntada gargaarka bini'aadminimo ayaa ah dhowr tijaabo oo kale oo hadda socda.

Miyuu guushan muddada gaaban gogoldhig u noqon doonaa bar rogan rajo leh ee bulshooyinka Afrikaanka ah iyo isku xirka?

La xidhiidha