Nidaamka Sirta

02.03.22

Africa Verified way ilaalinaysaa sirtaada oo waxaa ka go'an inay ilaaliso macluumaadkaaga shakhsiyadeed. Nidaamkan sirtu waxuu macluumaad ka bixinayaa sida Africa Verified ay u uruuriso oo ay uga shaqayso macluumaadkaaga shakhsiyadeed ee boggaan internetka.

Wakhti ka wakhti waxaa laga yaabaa inaan badalno nidaamkan sirta,waxaana ku baahin doonnaa boggeena internetka. Waxa aanu kugu dhiiri gelinaynaa inaad xeerkan dib u eeegto mararka qaar si aad u eegto wixii la badalay.

Uruurinta macluumaadka shakhsiyadeed ee adiga kugu saabsan

Macluumaadka shakhsiyadeed waxa weeye wixii macluumaad ee lagugu aqoonsan karo. Waxa aanu uruurin karnaa noocyada soo socda ee macluumaadka shakhsiyadeed marka aad buuxinayso foomka ku jira boggeena internetka ama marka aad nagala soo xiriirto taleefanka, iimayl ahaan ama si kale:

  1. jagada iyo magaca oo buuxa;

  2. shirkada/shaqo-bixiyaha;

  3. cinwaanka iimaylka; iyo,

  4. lambarka taleefanka.

Waxa aanu sidoo kale uruurin karnaa macluumaad shakhsiyadeed ee soo socda ee ku saabsan teknooloojiyada iswada markii aad isticmaalayso boggeena internetka, ama kuwa ka socda bixiyeyaasha falanqaynta saddexaad, sida Google:

  1. cinwaankaaga borotokoolka internetka, nooca barnaamajka shabaakadda iyo nuqulka, buuxinta saacada deegaanka iyo goobta, nidaamka ku hawlgelidda iyo madasha, noocyada barnaamajka shabaakadda lagu furo iyo qaababka iyo farsamoyinka kale ee qalabka aad isticmaasho si aad u soo gasho bogga internetka; iyo

  2. macluumaad ku saabsan sida aad u isticmaasho boggeena internetka iyo adeegyadeena, oo ay ku jiraan ficillada iyo qaababka lagu galo internetka.

Cookies

Qaar ka mid ah macluumaadkaan waxaa lagu uruuriyaa cookies (Xogta shabaakadda internetka aad isticmaashay). Boggeena internetka waxa uu isticmaalaa cookies oo wax falanaqeeyo, kaasoo Google u nidaamiyay si aan kaaga soocno isticmaalayaasha kale ee boggeena internetka.

Waxa aanu sidoo kale isticmaalnaa shaqada cookies-ka si aan u aqoonsanno adiga iyo waxa aad doorbido marka aad ku soo noqoto boggeena internetka.

Waxa aad barnaamajka shabaakadda u nidaamin kartaa hab u ku diido dhammaan ama qaar ka mid ah cookies-ka, ama inuu ku ogeysiiyo marka bogagga internetka ay ku siiyaan ama rabaan inay arkaan cookies-ka.

Sida aanu u isticmaalayno macluumaadkaaga shakhsiyadeed

Waxa aanu uga shaqayn doonaa macluumaadkaaga shakhsiyadeed ujeedooyinka soo socda:

  1. in aan ku maamulno xiriirkeena;

  2. in aan ka shaqayno iyo u ilaalino ganacsigeena iyo boggaan internet; iyo

  3. in aan isticmaalno falanqaynta xogta si loogu hormariyo boggeena internetka, adeegyada, xiriirka isticmaalaha iyo khibradaha.

Goorta aan wadaagi doonno xogtaada shakhsiyeed

Waxaa laga yaabaa in aan macluumaadkaaga shakhsiyeed la wadaagi doonno qoloyin kale sida lagu sheegey hoos ee ujeeddooyinka sare lagu xusay:

  1. bixiyayaasha adeegga oo ay ku jiraan bixiyayaasha falanqaynta;

  2. la taliyayaasheena xirfadlayaasha ah;

  3. qoloyinka kale ee aanu dooran karno in aanu ka iibino, u gudbino ama aanu isku biirsano ganacsigeena ama hantideena, ama qoloyinka kale aanu rabno in aan iibsano ama in aan isku darsano; iyo

  4. nidaamiyayaasha.

Waxa aanu sidoo kale bixin karnaa macluumaadkaaga shakhsiyeed haddii ay jiraan waajibaad sharci oo dhigaya in sidaas la sameeyo

Muddada aan isticmaali doonno macluumaadkaaga shakhsiyeed

Waxaan macluumaadkaaga shakhsiyeed hayn doonnaa ilaa inta loo baahdo si aan u fulinno ujeeddadii aanu u uruurinay, oo ay ku jiraan in lagu qanciyo shuruudaha sharciga, xeerarka maamulka, cashuurta, xisaabaadka ama warbixinta ah. Haddii ay timaado cabasho ama haddii ay jirto dacwo maxkamadeed ku saabsan xiriirka inaga dhaxeeya, waxaa laga yaabaa in aan macluumaadkaaga shakhsiyeed hayn karno muddo ka dheer.

Amniga

Waxa aanu ka ilaalinaynaa macluumaadkaaga shakhsiyeed inay si lama filaan ah u lumaan, la isticmaalo, loo galo qaab aan la ogolayn, wax laga badalo ama la shaaciyo, annagoo habayn doonaa tallaabooyin amni ee ku habboon. Waxa aanu sidoo kale xaqiijin doonnaa in shaqaalaha, wakiilada, qandaraaslayaasha iyo qoloyinka kale ee u baahan oo kaliya ay heli karaan macluumaadkaaga shakhsiyeed, iyo in shakhsiyaadkaas ay saaran tahay waajibaadka sir haynta..