Shuruudaha Isticmaalka

26.07.22

Shuruudaha Isticmaalka

FADLAN SI TAXADAR AH U AKHRI SHURUUDAHA IYO XEERARKA ISTICMAALKA BOGGAAN INTERNET

Xeerkan isticmaalka wuxuu khuseeyaa dadka isticmaalaya boggeena internetka - www.africaverified.com.

MARKA AAD ISTICMAALAYSO BOGGEENA INTERNETKA, WAXA AAD XAQIIJISAY IN AAD AQBASHAY XEERARKA ISTICMAALKA OO AAD OGOLAATAY INAAD U HOGAANSANTO.

Xeerkan isticmaalka wax ayaa laga badali karaa mararka qaar, waana inaad la socotaa oo aad fahantaa xeerarka mar kasta oo aad isticmaalayso bogga internetka. Xuquuqdeena iyo waajibaadkeena xeerkan waxa loo wareejin karaa hay'ad kale. Taasi saamayn kuma yeelan doonto xuquuqdaada xeerkan.

Bogga internetka

Ujeedada bogga internetka waxaa weeye inuu ku siiyo macluumaad sax ah oo laga heley meel lagu kalsoon yahay. Waxaa loogu talo galay inaad si gaar ah u isticmaasho ee looguma talo gelin inaad ka ganacsato. Ha u isticmaalin qayb walba ka mid ah macluumaadka ku jira boggeena internetka ujeedooyin ganacsi adiga oo aan annaga ama qoloyinka kale ee khuseeyaa aan marka hore ka helin rukhsad.

Mulkiyad ama xuquuq uma lihid qayb walba ee bogga internetka aan ka ahayn inaad u isticmaasho si waafaqsan shuruudahaan.

Bogga internetka waxaa ku jira 2 nooc oo macluumaad:

1. Wararka Maanta – kani waxaa weeye macluumaad wadar ahaan la isku keeney iloyin kala duwan oo warar ah.

Xiriiriyeyaasha bogagga internet kale iyo ilaha laga heley qoloyin kale waxaa loogu talagalay macluumaadkaaga oo keliya. In kasta oo aanu hubno in iloyinkaan ay yihiin kuwo lagu kalsoon yahay, ma anaan xaqiijin ama ma anaan baarin xaqiiqada wixii macluumaad ah ee ku jira maqaalka ama macluumaadka aad ka heli karto.

Ma xakamayno macluumaadka ama iloyinka bogaggaas internetka. Isticmaalkaaga macluumaadka wadar ahaan la isku keeney waa inay waafaqsanaataa shuruucda qoloyinka kale.

2. Iftiiminta Wararka– waa macluumaadka rasmiga ah ee Africa Verified.

Waxaan nahay mulkiilaha ama rukhsad haayeyaasha dhammaan xuquuqda hantida aqooneed ee ku jira qaybtan bogga internetka. Waxaa shaqooyinkan ilaaliya shuruucda xuquuqda la dhawray iyo heshiisyada caalamka oo dhan. Dhammaan xuquuqahaas waa la dhawray.

Waxa aad daabacan kartaa hal nuqul, oo waxa aad soo dejisan kartaa qaybo, bog kasta ee qaybtan bogga internetka ah si aad gaar ahaan u isticmaasho oo waxa aad u gudbin kartaa dadka kale macluumaadka la soo geliyay qaybtan bogga internetka.

Waa in aanad wax ka badalin waraaqaha ama nuqulada dijitaalka ah ee macluumaadka aad daabacday ama aad soo dejisatay sinaba, waa in aanad isticmaalin wax qoraalo ah, sawiro, fiideyow ama codad taxane ah ama muuqaalo ka gaar ah kuwa qoraalka la socda.

Maqaamkeena (iyo wixii sheegi kara cida qortay) sida qorayaasha macluumaadka waa in mar kasta la qiraa.

Haddii aad isticmaasho bogga internetka adiga oo jabinaya shuruucda isticmaalka, xuquuqdaada isticmaalka bogga internetka waa la joojin doonaa isla markiiba.

Bogga internetka waa bilaash. Ma damaanad qaadi karno in macluumaad gaar ah mar kasta la heli karo ama aanu kala go'aynin. Waxa aanu joojin karnaa, la noqon karnaa ama xadidi karnaa gelitaanka dhammaan ama qayb walba ka kamid ah bogga internetka waxay doonto ha noqoto sababtu. Bogga internetka waxaa sidoo kale uu hawada ka maqnaan karaa mararka qaar iyada oo aan la helin digniin hore sabab kasta ha ahaatee.

Haddii aad u malayso in macluumaadku xadgudbaayo xuquuqdaada

Haddii adiga ama cid kasta aad matalayso u maleeyaan in wax ka mid ah macluumaadka bogga internetka xadgudbaayo xuquuqdaada hantida aqooneed, markaa waxa aad inoo soo gudbisaa wargelin qoraal ah oo uu la socdo macluumaadkaan hoose:

  1. Cadee xuquuqda daabacaadda qoraalka aad sheegeyso in la xadgudbay.

  2. Cadee macluumaadka ku jira bogga internetka ee aad sheegeyso inuu xadgudbaayo xuquuqdaada ama mawduuca waxqabadka xadgudubka, iyo warar ku filan si macluumaadka loo helo.

  3. Bayaanka sheegaaya in aad aamisan tahay in macluumaadka ku jira bogga internetka uu yahay xadgudub maadaama mulkiilaha ama wakiilka mulkiilaha ama sharciga rukhsad aanu bixinin.

  4. Bayaan sheegaya in macluumaadka ku jira wargelintan uu yahay sax, oo qofka bayaanka dirayaa uu yahay qof loo ogol yahay inuu wakiil ahaan u sameeyo mulkiilaha xuquuqda gaarka ah iska leh ee lagu eedeeyay in la xadgudbay.

  5. Macluumaadkaaga xiriirka, oo ay ku jiraan magacaaga, ciwaankaaga, lambarkaaga taleefanka iyo cinwaankaaga iimaylka, haddii la heli karo.

  6. Saxeexaaga gacanta ama elektorooniga ah.

Fadlan u dir wargelinta info@africaverified.com.

Haddii aad tahay mulkiile Maraykan ee xuquuqda daabacadda, markaa waxaad oggolaanaysaa in wixii wargelin ah ee aan u hogaansamin shuruudahan uusan sax ahayn, sida ku qoran Sharciga Xuquuqda Qoraalka Kunbuuxa Dijitaalka 1998 (Digital Millennium Copyright Act).

Ha isku halayn bogga internetka

Wararka iyo macluumaadka waxaa laguu siiyay kaliya macluumaad ahaan, oo waxa ay matalaysaa fikirka iyo aragtida qorayaasha asalka ah. Ma ahan talo toos ah oo adiga kaligaa laguugu talo galay, oo loomana bixiyo ujeedo gaar ah aan ka ahayn sida ilo warar iyo ra’yi lagu kalsoon yahay. Waa inaad qiimaysaa wixii macluumaad ah ee aad doonayso inaad isku halayso.

Ma sameynayno matalaad, damaanad-qaad ama ballan-qaad, ha ahaato mid cad ama mid maldahan, oo ku saabsan waxyaabaha ku jira bogga internetka ama inuu yahay mid cusub, sax ah ama dhameystiran.

Isticmaalka macluumaadka bogga internetka

Heshiiskaaga

Waxa aad ogolaatay inaad u hogaansanto dhamaan shuruucda isticmaalkaaga bogga internetka; in aanad dadka kale u horseedin inay galaan bogga internetka; in aanad nuqul ka sameynin bogga internetka, (marka laga tago isticmaalka caadiga ah meelaha daruuriga ah); iyo in aanad beddelin qayb walba ee ka mid ah bogga internetka ama u isticmaalin hab aan ka ahayn sida lagu sheegey shuruucdan.

Ku xiriirinta boggeena internetka

Waxa aad ku xiriirin kartaa boggeena hore, marba haddii uu yahay caddaalad iyo sharci oo ayna waxyeelaynin sumcaddayada ama ka faa'iidaysanaynin. Naguma eedeyn kartid inay aanu la leenahay wada shaqayn, aanu ogolaanay ama aanu amaanayno cid aanaan amaanin.

Sida aanu u isticmaali karno macluumaadkaaga shakhsiyeed

Macluumaadkaaga shakhsiyeed waxaan u isticmaali doonaa kaliya sida lagu sheegey Nidaamka Sirta.

Amniga

Ma damaanad qaadayno in boggeena internetka uu ka ammaan noqon doono barnaamjiyo cilladasyan ama fayrasyada. Adiga ayaa ka mas’uul ah habaynta macluumaadkaaga, barnaamijyada kombyuutarka iyo madalaha lagu galayo bogga internetka, oo waa inaad isticmaashaa barnaamijkaaga ilaalinta fayraska.

Waa in aanad si khaldan u isticmaalin bogga internetka adiga oo og in aad faryas, trojans, worms, logic bombs ama wax kale u gudbinayso oo waxyeello u leh teknooloojiyada ama galaya. Waa in aanad weerarin ama aanad isku dayin inaad si khaldan u gasho boggeena internetka, kheyraadka dhexe ee kombyuutarka ee lagu kaydiyo ama kheyraad dhexe walba ee kombyuutar, kombyuutarka ama kaydka macluumaadka ee ku xidhan boggeena internetka.

Mas’uuliyaddeena wixii aad wayday ama kaa waxyeelloobay

Kama reebeyno ama ma xadidno mas'uuliyadda ina saaran markii uu sharci darro yahay in aanu sidaas samayno.

Fadlan ogsoonow in aanu bogga internetka u samaynay in guriga iyo shakhsi ahaan loo isticmaalo kaliya. Waxa aad ogolaatay in bogga internetka aanad u isticmaalin wax ganacsi ama shaqo ah, oo mas’uuliyad kama nihin wixii khasaaro ah ee ku gaari karo.

Xataa haddii aanu dib u dhigno dhaqan gelinta heshiiskan, waxa aanu weli dhaqan gelin karnaa mar dambe

Xataa haddii aanu dib u dhigno dhaqan gelinta heshiiskan, waxa aanu weli dhaqan gelin karnaa mar dambe. Haddii aanaan isla markiiba kaa dalban inaad qabato waxa lagaa baahan yahay inaad qabato sida uu dhigayo xeerkani, ama haddii aanu dib u dhigno qaadida tallaabo lid kugu ah marka la eego jabintaada heshiiskan, taasi macnaheedu ma ahan in lagaa rabin inaad sameyso waxyaabahaan iyo inuu hor istaagi doono inaan kaa qaadno tallaabo lid kugu ah mar danbe.