Guul - Sida Afrobeats uu u guuleystay shaxda muusikada adduunka oo dhan.

5/19/2023

Guul - Sida Afrobeats uu  u guuleystay shaxda muusikada adduunka oo dhan.

'Hadda waxaan musikadeena ku leenahay shaxda musikada ee Maraykanka iyo Ingiriiska - taas oo muujinaysa sida Wadamada Reer Galbeedka u qiimeynayaan muusikadeena.' Davido oo ah fannaan Afrobeats caan ah.

Maadaama uu yahay nooc musiko ee isku dara jazz, durbaano, reggae, pop iyo hip-hop, Afrobeats waxay si dhakhso ah noqotay dhawaaqa cusub ee caalamiga ah, kassoo soo jiidanaya taageerayaal iyo dad aad uga jecel dalka Ingiriiska, Yurub iyo Maraykanka.

Waa maxay sababaha oo kor u kacay caannimada? Qurbo-joogga Afrikaanka oo kobcaya, adeegyada baahinta muusikada dhijitaalka ah sida Spotify iyo Apple Musicis oo si fudud looga dhegaysan karo caalamiga, iyo sidoo kale inkastoo uu noqday musikada loo isticmaalo warbaahinta bulshada ee caanka ah ee Instagram iyo TikTok.

Dhegeysiga muusikada Afrobeats ee Spotify ayaa kor u kacay ku dhawaad 300% laga bilaabo 2019 ilaa 2022, iyaga oo gaaray malaayiin taageerayaal cusub ah, ayagoo caalamka isla markiiba ku soo bandhigey hibada gaarka ah ee qaarada.

Fannaaniinta sida Davido, iyo fannaaniin kale ee Afrobeat, oo ay ku jiraan WizKid, Burna Boy, Tems iyo Rema ayaa hadda buuxiya garoommada ku yaal Mareykanka, Ingiriiska iyo Yurub, iyaga oo musiko la sameeyaa fannaaniinta musikada pop ee reer galbeedka sida Beyonce, Drake, Selena Gomez, Justin Bieber iyo Ed Sheeran.

Fannaanka reer Nayjeeriya ee Afrobeats Tiwa Savage ayaa sidoo kale ka heystay riwaayadii calaamo-saarka Boqorka Ingiriiska King Charles III ee Windsor Castle bishii Maajo 2023.

'Ganacsiga muusikada caalamiga ah waxay maalgalin ku sameynayaan fannaaniinta iyo musik soo saarayaasha Afrika waxayna si dhab ah ugu tiirsan yihiin waxa ay dadku dhegaysanayaan, ’ ayuu yiri J.J. hoggaamiyaha heesaha caanka ka ah caalamka ee Spotify. 'Runtii waa dhawaaq caalami ah, ganacsiga musikadana waxay uga jawaabayaan hab aad u wanaagsan oo dhiirigelin leh.'

Cod caalami ah. Xididdo Afrikaan ah.

Si muusikadda Afrikaanka laga saaro kala saarka muranka badan leh ee lagu magacaabo 'muusikada adduunka' kaasoo dib u dhacay, jiil cusub oo fannaaniin hal-abuur leh iyo xog ogaal ah, ayaa billaabay in ay beddelaan hidahooda muusikada.

Magaca rasmiga ah ee Afrobeat wuxuu ahaan jiray nooc musiko ka dhashay dalka Nayjeeriya 1960-meeyadii, kasoo soo saarey fannaanka lagu magacaabo Fela Kuti, kaas oo isku daray dhawaaqa jazz, soul iyo dhawaaqa Gana iyo durbaanka badan ee Qabiilada Yoruba, Ewe iyo Ga. Musikada Afrobeats ee hadda la dhegeysto, waa ina-adeerkeed ka yar midkii hore, waa musiko aqoonsado taariikhdiisa hore oo isticmaalo dhawaaqyada hore ee la aqoon karo iyo qaabab durbaan Afrikaan ah oo la yaqaan, oo dib ugu dhashay qaab elektaroonig ah, iyaga oo ku daraya dhawaaqyada Afro-pop, Jamaikan Dancehall iyo Afroswing.

Sanadihii ugu dambeeyay, Afrobeats wuxuu u koray si uu u matalo nuxurka dhaxalka Galbeedka Afrika iyo awoodda ay u leedahay in ay la qabsato qaababka casriga ah iyada oo aan hilmaamin dhawaaqeeda asaasiga ah si ay u soo jiidato suuqa caalamiga ah ee musikada pop.

Muusikada waxay noqotay dhaq-dhaqaaq, ayadoo u gudubtay musikada caadiga ah, halkaaso fannaaniintooda ugu waaweyni ay soo galeen mawjadaha raadiyaha iyo ku guulaysteen abaal-marinno caalami ah, isla markana ay tamar-gelinayaan muuqaallada qoob-ka-cayaarka caanka ah iyo buuxiyo garoonnada.

Dhawaanahan, ciyaaraha NBA All-Star ee laga qabtay Utah bisha Febraayo, ku guulaystayaalka cusub ee abaalmarinta Grammy Tems, Rema iyo Burna Boy ayaa isla heesay heesahooda ugu caansan.

Bisha Luulyo, Fannaanka Afrobeats ee caanka ah Wizkid ayaa ka heesi doonaa garoonka Tottenham Hotspur ee London, kaasoo leh 62,000 kursi. Bisha Luulyo 2023, Fannaanka Nayjeeriya ee Afrobeats ee caanka ah Wizkid ayaa ka heesi doonaa garoonka Tottenham Hotspur ee London, kaasoo leh 62,000 kursi.

Miyuu sii socon doonaa caannimada Afrobeats?

Caannimada Afrobeats ma muujinaayo wax calaamad hoos u dhac ah. Shikadaha musikada Mareykanka, oo ay ku jiraan Warner Music ayaa dhawaan ku dhawaaqay iskaashi ay la leeyihiin shirkadaha rikoodhka Nayjeeriya ee madax-bannaan sida Mavin Records iyo Chocolate City, si ay heesiyaanka gobolka ka dhax raadiyaan fannaanka xiga ee Afrobeats.

Heshiiska uu Warner la galay Chocolate City waxaa ka mid ah horumarinta heesiyaanka iyo maaraynta ku faafinta caalamiga musikada ay soo saareen shirkadaha ku salaysan Lagos. Kartidooda Afrobeat waxay hadda ku heli karaan khibradda caalamiga ah iyo adeegyada farshaxanka ee Warner.

Audu Maikori, oo ah maamulaha kooxda Chocolate City, wuxuu yiri: 'Wada-shaqeynta lala yeelanayo Warner Music Group waa mid gaar ah sababtoo ah macaamiisheena waxay hadda heli karaan waxa ugu wanaagsan labada adduunba - adeegyo la soo xulay oo laga helo koox Afrika oo dhan khibrad sare ku leh iyo koox caalami ah oo u heellan inay muusikadooda iyo calaamadahooda ku xayeeeysiiyaan dunida inteeda kale.'

Muusikada waa bilow uun. Goob-joogeyaasha waxay sidoo kale arkeen inuu jiro xiriir la taaban karo oo ka dhexeeya kor u kaca caanka ah muusikada iyo dhaqanka Afrika iyo kor u qaadka tamashleyaasha. Tobankii sano ee la soo dhaafay, 'Detty December' waxay tilmaashaa muddada u dhaxaysa Diseembar iyo horraanta Jannaayo marka Afrika ay ku soo qulqulaan booqadlayaal badan kuwaasoo ka kooban tamashleyaal iyo muwaadiniin hore ee dalkooda ku soo laabtey. Musikada firfircoon ee Afrobeats ayaa sii wadda in ay qurbo-joogtada dib ugu soo celiso qaarada, iyada oo maskaxda ku haysa dhaqanka Akan ee Sankofa, oo u tarjumaysa 'dib u noqo oo hel'.

Iyadoo loo marayo dib ugu laabashadaan dalkooda asalka iyo abuurista dareen xiriir oo ka dhexeeya dadka cidlo ku dareemay dalalka galbeedka, fannaaneyaasha Afrika waxay dhiseen bulsho xooggan oo ah sida dhaqdhaqaaq caalami.

Musikada wuu sii socdaa...

Way caddahay in Afrobeats hadda yahay nooc musiko gaar isku ah, oo leh taageerayaashiisa, fannaano waaweyn iyo hidahiisa. Mustaqbalkuna wuxuu u muuqdaa mid xiiso leh; Sheekooyinka guusha Afrobeat, sida Burna Boy iyo Wizkid, kuwaas oo diyaariyay dariiqa iyo xoojiyay soo jiidashada caalamiga ah. Iyo jiilka berri ee fannaaniinta Afrikaanka ah, oo hadda loo arko sida kuwo soo jiidasho dhaqaale iyo hal abuur ka leh, gudaha iyo dibaddaba.

Fannaaniinta Afrobeat waxay dejiyeen xawaaraha musikada pop ee caalamiga ah waxayna sii wadaan hal-abuurnimada iyagoo si aan leex-leexad la'aan u wata aqoonsigooda Afrikaanka ah oo leh sharaf dhaqameed cusub.

La xidhiidha