Sida ciyaartoyda Afrikaanka u noqdeen kuwa hogaaminaya kubbadda cagta Mareykanka

2/10/2023

Afrika waxa ay muddo dheer soo jiidan jirtay indha-indheeyayaal isboorti oo caalami ah, iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay helaan 'ciyaartoyda ugu fiican ee soo socda'. Kubadda Cagta iyo NBA-da ayaa hadda si joogto ah qaarada ka raadiyo ciyaartoy, iyagoo wata qorshe kor loogu qaadayo sumcadda ciyaarta, la falgalaan jiilka cusub ee taageerayaasha iyo soo jiitaan ciyaartoyga ugu fiican si ay hanti iyo sharaf uga raadsadaan dibadda.

Hadda waa goorta Kubadda Cagta Mareykanka. Ayadoo tusaale ka qaatey Osi Umenyiora oo Nayjeeriya u dhashay, oo laba jeer ku guuleystay NFL Superbowl asagoo u ciyaaraaya kooxda New York Giants, raadinta ciyaartoyda loo yaqaan quarterback, tight end ama offensive lineman ayaa mar horeyba bilaabmay. Umenyiora wuxuu abuuray barnaamajka Uprise, waa barnaamij Kubadda Cagta Mareykanka oo dalka Nayjeeriya diiradda ku saaraya aqoonsiga iyo kobcinta ciyaarytoyta cusub ee NFL.

Ku gooldhalinta Afrika

Barnaamajka Uprise ka sokow, Xeradii ugu horreysay ee NFL Afrika ayaa laga bilaabay Ghana sannadkii hore, iyadoo in ka badan 49 ciyaartoy oo Afrikaan ah ay ka qayb qaateen. Iyada oo qayb ka ah barnaamijka Jidka Ciyaartoyga Caalamiga ah ee NFL (IPP), ciyaartoy tiro yar ah ayaa laga doortay xero kasta, iyadoo qaarkood loo diray London si ay uga qaybgalaan Bandhigga Indho-indhaynta Caalamiga ah iyo la tartamaan 38 ciyaartoy oo ka socda 13 waddan.

Xulashada London ee sanadkii hore ka dib, 11 ciyaartoy ayaa loo doortay inay qayb ka noqdaan barnaamijka, oo ay ku jiraan shan ka mid ah Afrika, Basil 'CJ' Okoye, Jason 'Chu' Godrick, Kenneth Odumefgwu DL, Haggai Chisom Ndubisi, iyo Kehinde Oginni Hassan. Afar ka mid ah ciyaartoydan, marka laga reebo Odumefgwu, ayaa markii ugu horreysay la arkay markii ay tageen xerooyinka xulashada ee Ghana iyo Nayjeeriya.

Kooxda Riyada

Barnaamijka waxaa la sameeyay iyada oo qayb ka ah istaraatiijiyadda NFL si ay ugu koraan caalamka maadaama ay siinayso ciyaartoyda fursad ay u ciyaaraan naadi isboorti, kaasoo kordhin doonta tirada ciyaartoyda kartida leh iyo sidoo kaleba kor u qaadi doonta kobaca taageereyaasha caalamka.

Sida u sheegay Elbert Allen, maamulaha Itixaadka Kubbadda Cagta Mareykanka ee Ghana, iskaashigan ay la leeyihiin NFL wuxuu siinayaa ciyaartoyda Afrikaanka ah waddo sahlan oo ay si xirfad ah ku ciyaaraan kubbadda cagta.

Ciyaartoyda Afrikaanka ah ee ugu wanaagsan Nayjeeriya iyo Ghana ayaa si toos ah loogu diray Mareykanka, si ay ku biiraan Xulashada Ciyaartoyga NFL ee 2022/23. Akadeemiyada LeCharles Bentley ee Arizona, ayaa loo maleyaa inay tahay xarunta tababarka xilli ciyaareedkan.

Karti la heli karo

In kasta oo qaar badan oo ka mid ah ciyaartooydaan suurtogalka ah aysan waligood ciyaarin ciyaarta, ama mararka qaarkood xitaa kubbadda aysan gacantooda ku qabanin, indha-indheeyayaashu waxay kalsooni ku qabaan in kartida, awoodda iyo ka go'naanta Afrikaanka ay si wanaagsan ku caawin doono garoonka kubadda cagta. Kubadda cagta ayaa kuwa ka qaybqaata u arka inuu yahay waddo ay ku helaan nolol wanaagsan, waxbarasho iyo xittaa xirfad isboorti oo faa'iido badan leh.

'Waxaa jira 100-ciyaartoy ka badan NFL oo ku dhashay Afrika, ama ah jiilkii ugu horreeyay [ee Mareykan Afrikaan ah], dhamaantoodna waxay rabaan inay wax ku qabtaan dalkooda.' ayuu yiri Umenyiora.

‘Markaa waxaan ognahay in Afrika, ku qabtiin qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican, mana siinno fursad ay ku soo bandhigaan xirfadahooda si ay naftooda ugu helaan nolol wanaagsan.’

‘Waxaan sidoo kale ognahay baahida laga qabo Mareykanka xirfad noocan, waxaana ognahay in sahaydu laga helo Afrika, markaa waa arrin ku saabsan isku xirka labada.'

Xulashada ciyaartoy badan oo Afrikaan ah oo ku jira Barnaamijka Jidka Ciyaartoyga Caalamiga ah ayaa dib u xaqiijinaysaa aaminsanaanta in Afrika ay leedahay tiro aad u badan oo ciyaartooy xirfadeysan, kuwaas oo si joogto ah lagu aqoonsao isboortiyada kala duwan ee ugu waaweyn.

Ballanqaadyada ay NFL iyo ururada kale ee isboortiga ah sameeyeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyagoo la kaashanaya ciyaartooyda Afrikaanka ah iyo ku soo bandhigga isboortiga magaalooyinka waaweyn ee Afrika, ayaa ah bilow uun ee xiriirka ay Afrika la leedahay NFL.

‘Waxaan aaminsanahay in mustaqbalka NFL uu yahay Afrika.’ Oso Umenyiora.

La xidhiidha