Xafladaha filimada Afrika: U dabbaal-degaya filimaan cusub oo Afrika ku Salaysan

10/17/2022

Xafladaha filimada Afrika: U dabbaal-degaya filimaan cusub oo Afrika ku Salaysan

Afrika waxaa ku nool dad tiradoodu dhan yahay 1.4 bilyan, Afrika waxay hodan ku tahay dhaqanka, muusiga, qoob ka ciyaarka, iyo sheeko-sheekaynta, waana sheekooyinka ay sheegaan filim-sameeyayaasha Afrika kuwa ugu cajiib badan. Maaddaama qaaraddu ay soo bandhigto filimaan ka sii casri badan, fikradda in filimaadka Afrika ay isku wada mid yihiin ayaa si tartiib-tartiib ah u bilaabaya inuu yeraado.

Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa kor u kacey tirada bandhigyada filimada Afrika oo loogu dabbaal-degayo kartida Afrikaanka, ha ahatee qaarada iyo caalamkaba. Tani waxay filim sameeyayaasha, agaasimayaasha, iyo jilayaasha Afrikaanka ah ku dhaqaajisay suuqyo cusub waxayna keentay inay fursado iskaashi la yeeshaan suuqyada filimada sida Hollywood. Caadi ahaan, daneeyayaashani waxay si weyn diiradda u saareen suuqyada Af Ingiriisida ee Afrika, laakiin hammigooda inay ku fidaan qaaradda oo dhan ayaa sababay is-beddelka nooca nuxurka filimaadka, nooca iyo habka loo faafiyo.

Isbeddelka casriga ah ee dijitaalka ayaa door firfircoon ku yeeshay kobcinta ganacsiyada filimada ee qaaradda oo dhan iyo ka dhigidda soo saarista filimada mid la heli karo. Qalabka filimada iyo tignoolajiyada ayaa noqday kuwo la awoodi karo, sida helitaanka habab cusub ee filimada lagu qaybin karo, kaasoo beddelaaya hababka maalgelinta ee hore la isticmaali jiray iyo fursad siinaayo soo saarayaasha inay si toos ah macaamiishooda ka iibiyaan filimaadkooda.

Waa maxay sababta ay bandhigyada filimada muhiim u yihiin?

Inkastoo ay lagama maarmaan u yihiin qaybinta, maalgashiga, iyo xayaysiinta, bandhigyada filimada way ka duwan yihiin suuqyada filimada waxayna door muhiim ah ka ciyaari karaan guusha guud ee mashruuc. Suuqyada filimada waxay diiradda saaraan ganacsiga filimaadka, ujeeddadoodi koowaad waa kordhinta fursadda taageerada maaliyadeed iyo iskaashiga qaybinta filimada. Dhanka kale, bandhigyada filimada waxay u furan yihiin dadweynaha, oo waxay filim sameeyayaasha siiyaan fursad ay si toos ah ku eegaan jawaabta daawadayaasha filimaadkooda, iyo sidoo kale fursad ay si fagaare ah ugu dabbaal-degaan.

Ganacsiga filimada Afrika waxay muujinayaan awood heer cusub ah, laakiin si loo joogteeyo loona taageero horumarkaan, dawlado badan oo Afrikaan ah ayaa u baahan inay hirgeliyaan siyaasado qaab-dhismeed si ay u rasmiyeeyaan ganacsigaan. Hadda 55% wadamo Afrikaan kaliya ayaa leh siyaasad qarameed ee xagga filimada, sidoo kaleeba in ka yar 45% ayaa leh guddiga filimada. Tusaalaha awood siinta ay taageerada noocan ah bixin karto waa bandhigga filimaadka ee Pan-African Film & TV Festival ee Ouagadougou (FESPACO), Burkina Faso.

Wuxuu socdaa in ka badan 50 sano oo isku xiga, iyadoon loo eegin is-beddellada siyaasadeed, FESPACO waxaa qayb ka maalgeliyo dawladda, waxaana la qabtaa labadii sano hal mar, oo waxaa lagu wadaaga sheekooyinka Afrika iyadoo loo maraayo codadka Afrikaanka. Maaddaama ay ka mid tahay bandhigga filimada ee sida wanaagsan looga dhisay Afrika, waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa dhanka dhaqaalaha iyo dhaqanka Burkina Faso.

"Tani waa magaalada hal-abuurka, magaalada dhaqanka, iyo caasimadda filimaadka Afrika," ayuu yiri Armand Béouindé, Duqa magaalada Ouagadougou 2021. Bandhigga ayaa lagu xusaa filimada Afrikaanka ay inta badan soo saaraan dad Afrikaan ah, kuwaas oo adduunka oo dhan ka soo jiita dad xiiseeya, iyo saameyn dhaqameed ku yeesha masraxa caalamka.

FESPACO-gii u dambeeyay ee la qabtay Oktoobar 2021 mawduuciisa wuxuu ahaa 'Shaneemooyinka Afrika iyo Qurbaha: aragtiyo cusub, caqabado cusub, wuxuuna lahaa 239 filim oo 50 waddan laga soo xulay. Filim-qaade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Khadar Axmed ayaa ku guuleystay abaal-marintii ugu sarreysay ee filimka magaciisu yahay ‘Xaaska Qodaalaha Qabriga’ oo uu isagu qoray, soona agaasimay.

Nayjeeriya, Chioma Ude wuxuu aasaasay Bandhigga Filimada Caalamiga ah ee Afrika (AFRIFF) sanadka 2010. Bandhigga wuxuu filim sameeyayaasha Afrikaanka ah ku caawiyaa inay si istiraatijiyad ah ay naftooda ku qaybiyaan filimaadkooda aaladaha baahinta caalamiga ah iyo si wanaagsan ugu tartamaan suuqa caalamiga ah. Bandhigga tobnaad waxay keentay in shirkadda caalamiga ah ee Amazon ay ku iibsato tiro filimaan ah ee la soo bandhigay.

Qaddarin laga qabo dibadda filimaadka Afrika ku salaysan

Magaalada Los Angeles, California, aflaanta qurba-joogtaada Afrikaanka ah iyo bulshooyinka fanku waxay isugu yimaadaan bandhigga filimaadka sanadlaha ah Pan African Film and Arts Festival (PAFF). Waxaa la aasaasay 1992, dhacdadan taariikhiga ah waxaa loo aqoonsaday inay tahay bandhigga filimaadka iyo fanka Madow ugu wayn iyo hawlgelinta dhacdada Bisha Taariikhda Madow ee Mareykanka. Waxay soo jiidataa filim sameeyayaasha, fanaaniinta, iyo farsamayaqaanno gaar ah ee ka socda in ka badan 40 waddan iyo lix qaaradood sanadkiiba, si ay u soo bandhigaan shaqadooda muhiimka ah iyo kartidooda.

Bandhig-filimeedka caalamka oo dhan laga xushmeeyo oo lagu qabto Cannes, dalka Faransiiska, ayaa sidoo kaleba qabtaa dhacdo ku salaysan Afrika oo lagu magacaabo Cannes International Pan-African Film Festival iyo The African Film Festival (TAFF).

Mustaqbalka filimada Afrika

Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa si joogto ah u kordhay tirada filimada iyo wax-soo-saarka maqal-muuqaalka ee Afrika oo dhan, laakiin inkasta oo ay leeyihiin awood dhaqaale, ganacsiyadaan weli si weyn loogama faa'iidaysan. Waxaa la qiyaasay in lacagta ka soo gasho ganacsiyadaan uu gaarayo $5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah iyo inuu shaqaalesiiyo shan milyan oo qofood. Haddii tiro badan oo ka mid ah dawladaha Afrikaanka ah ay isticmaalaan siyaasado horumarsan si ay u taageeraan una horumariyaan kobaca ganacsigaan, dakhliga iyo shaqaalaynta ayaa aad kor ugu kici doona. Intaa waxaa dheer, ganacsiga filimku waxay xiriir tiirsanaan iyo saameyn leh la leedahay ganacsiyada kale ee waaweyn, sida dalxiiska, martigelinta, tignoolajiyada, sharciga, iyo warshadaha kale ee hal abuurka. Marka ganacsiga filimadu kor u kaco, dhammaan ganacsiyadaan ayaa helo fursado dakhli cusub.

Qabashada bandhigga filimada waxay u oggolaanaysaa waddan inuu ku soo jiito shirkadaha kale ee ka shaqeeyo filimaadka caalamiga qarankiisa, isagoo dhisaya saameyntiisa dhaqameed. Marka la eego filimada wadaniga ah, waxay ilaalinayaan oo dabbaal-degayaan hiddaha iyo dhaqanka wakhtigan casriga ah si aan warbaahin kale u samayn karin. Sharafta ay tani keenayso waxay ku dhiirigelisaa filim sameeyayaasha kale ee wadaniga ah inay isla wadaagaan sheekooyinkooda gaarka ah, kuwaaso si yar, ka caawin karta dib u qaabaynta aragtida ay daawadayaasha ka qabaan Afrika.

La xidhiidha