Jaantuus ku samaynta adduun internet laga dhax dhisay: Sida farshaxan-yaqaanada Afrikaanku ay ula qabsanayaan NFT-yada iyo goobta farshaxanka internetka

5/17/2022

Jaantuus ku samaynta adduun internet laga dhax dhisay: Sida farshaxan-yaqaanada Afrikaanku ay ula qabsanayaan NFT-yada iyo goobta farshaxanka internetka

‘Hadda kama hadli kartid farshaxanka adigoon ka hadlin NFT,' Osinachi, oo ah farshaxan sameeyaha hormuudka ka ah NFT ee Afrika, ayaa u sheegay CNN. 'Waxay qayb ka noqon doontaa farshaxanka aan ognahay.'

Farshaxan-yaqaanada iyo hal abuuryaasha Afrika waxay soo dhaweeyeen isticmaalka foojarada ama shayada dijitaalka ah ee aan la beddeli karin (NFT), kaasoo ah hab cusub oo lagu wadaago fikradaha iyo dhaqanka, iyadoo la hubinayo lahaanshaha farshaxanka iyo soo saarista dakhliyo waaweyn.

Waa maxay NFT?

NFT waa hanti dijitaal ah oo matali karta wax kasta oo ka mid ah farshaxanka, muusiga, sawirada gif iyo xitaa qoraalada tweets-ka, lagana ganacsado internetka (inta badan iyadoo la adeegsanayo lacagta digitalka ah).

Xittaa inkasta oo markii ugu horreysay la isticmaalay 2014-kii, NFT-yadu hadda ayay sumcad helayaan sababtoo ah waxay noqonayaan hab caan ah oo lagu gato laguna iibiyo farshaxanka dijitaalka ah - $160 milyan oo doollar ayaa lagu kharash gareeyay NFT-yada tan iyo Nofeembar 2017.

Waa shay ee lagu beddeli karo shay kale oo beddel sax ah. Wax aan la beddeli karin sida NFT'ga macnahiisa waa gaarkiisa iyo qiimaha - badankoodu waa kuwo hal mar kaliya la sameeyay, ama la soo saaro kaliya waqti gaaban.

Tusaale ahaan, bishii Maarso 2021, 'farshaxanka' Afrikaanka ah ' Osinachi wuxuu 10 maalmood gudahood ku iibiyey NFT qiimihiisu yahay $75, 000, ka hor wuxuu farshaxanka suuqa lacagta dijitaalka ku iibiyay $ 80,000, farsahaxan lagu magacaabo 'Becoming Sochukwuma' - sawir muujinaya qoob-ka-cayaare madow oo ku duudduuban tuute kuna wareegaya shaashadda kumbuyuutarka.

In kasta oo ay inta badan internetka ku jiraan nuqullo badan oo dijitaal ah ee sawirkiisa, NFT-yadu waxay u oggolaadaan iibsadaha inuu lahaado shayga asalka ah. NFT kasta waxa kale oo uu ka kooban yahay xaqiijin ku dhex dhisan, taas oo u adeegta sida caddaynta lahaanshaha. Soo iibsadayaasha farshaxanka waxay ka qiimeeyaan xaqiijintaan dijitaalka ah markii loo barbardhigo shayga laftiisa ay iibsadeen.

Rug bandhigyada NFT ee xirfad dabiiciga Afrika

Shuruucda hantida aqooneed ee Afrika ayaa mid awood lahayn kaasina wuxuu farshaxan-yaqaanada badan ka xayuubiyay faa'iidooyin la taaban karo ee shaqadooda, maadaama waddamo yar ay haystaan dukumeenti lahaanshaha oo caalami ah oo la aqoonsan yahay.

Iyadoo abuureysa taageerayaal iyo maalgelin, NFT'yada waxay farshaxan-yaqaanada Afrika siinayaan meel ay lacag ka helaan oo ay ku soo bandhigaan dhaqankooda hodanka ah, maadaama xuquuqda daabacaada/lahaanshada la ilaalin karo oo lacag mustaqbalka fog lagu heli karo si joogto ah.

Dadka Afrika caan ka ah NFT

Sahan dhowaan la qabatay ayaa sheegay in Nayjeeriya u yahay dalka 6-aad ee ugu weyn ee NFT isticmaalo iyo Koonfur Afrika yahay dalka 12-aad. Sahanku waxa kale oo uu si maldahan u sheegay in isticmaalka NFT uu si labanlaab ka badnaan doonto dalalkan iyadoo xiiso sare muujiyeen jawaab-bixiyeyaasha.

Art X oo fadhigeedu yahay Lagos, Galbeedka Afrika waa bandhig farshaxanka caalamiga ah ee ugu caansan, wuxuuna qabtay bandhiggeedii ugu horreeyay ee loogu talagalay NFT bishii Nofeembar.

Shaashado badan oo muujinaya sawiro dijitaal ah oo firfircoon ayaa lagu rakibay gidaar madaw oo ku dhex yaal teendho wayn. Waxaa soo diyaariyay Osinachi waxaana farshaxanka ku soo bandhigay 10 farshaxan-yaqaano oo ka kala socday wadamada Afrika sida Nayjeeriya, Marooko, iyo Senegal.

Aasaasaha Art X, Tokini Peterside ayaa ku faraxsan waxa ay ku tilmaantay 'kacaanka NFT''

'Waxaan ogaanay in tani ay tahay hab aad u fiican ay farshaxan-yaqaanada dijitaalka ah ay uga faa'ideysan karaan shaqadooda.'

Peterside waxay tixraacsatay kor u kaca farshaxan-yaqaanaha dijitaalka ee 21-sano jirka ah, Anthony Azekwoh, oo sidoo kale degan Lagos, kaasoo ka sameeyay ku dhawaad $40,000 sawiradiisa NFT, The Deathless Collection, sanadka 2021, iyadoo NFT'ga Red Man ku iibiyay $25,419 USD.

Ma ahan kaliya faa'iido

Dhaxalku wuxuu baxshaa aqoonsiga iyo dareenka wada jirka bulshooyinka, gaar ahaan marka xasillooni-darro dhaqaale ay carqaladayso aqoonsigaas.

Tayada gaarka ah ee NFT'yada waxay caddeeyeen inay ku habboon yihiin kor u qaadista wacyiga Maskarada Fool-maroodiga Benin, wadista wadahadal caalami ah oo ku saabsan farshaxanada naxaaska ah ee Benin, farshaxanno lagu muransan yahay oo ay tahay in loo celiyo milkiilayaashooda xaqa ah.

Iyada oo leh 1,897 NFT, farshaxanada naxaaska ah ee Benin waxay diiradda saartaa mid ka mid ah saddexda Maskaro Fool-maroodiga Benin iyadoo kobcinaysa isku xirka bulshada, oo u sahlaysa dadka haysta inay la kulmaan Boqortooyadii hore ee Benin ee la burburiyay qarniyo ka hor, iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada.

Joogitaanka internetka. Ka warran dadka aan haysan internet?

NFT-yadu waxay noqonayaan kuwo caan ah, laakiin weli waxaa jira dhibaatooyin dhaxalgal ah, gaar ahaan ku salaysan internet la'aanta, caqabad adag ku ah farshaxan-yaqaanno badan oo Afrika ah oo raadinaaya inay isticmaalaan NFT.

Inta badan ganacsiyada NFT waxaa lagu fuliyaa iyadoo la isticmaalayo lacagta dijitaalka, iyo wadamada ay ka mid yihiin Nayjeeriya waxay leeyihiin sharciyo adag oo ku lug leh ganacsiga sare ee lacagta dijitaalka, kaas oo xaddidi kara iibka.

-

Maadaama dunidu ula qabsanaayo adduun internet ah oo lacag dijitaal ah iyo NFT laga isticmaalo, mustaqbalka farshaxanka Afrika wuxuu u muuqdaa inuu noqon doono mid dhisan, sinnaan leh, xiiso leh, iyo ka horumarsan wixii qof kasta u malayn karay - kacaanka lahaanshaha farshaxanka ayaa hadda bilaabmay uun.

La xidhiidha