Kalluumaysiga Galbeedka Afrika waxa uu noqday goob dagaal oo badda ah, halkaaso maraakiib kalluumaysi si sharci-darro ah ku dhacaan malaayiin tan oo kalluun ah sannad kasta, oo ay ku jiraan noocyada halis ku jira iyo kalluunka yaryar oo ay dadka deegaanku ku tiirsan yihiin ganacsi iyo cunto.
'Halkiiba shan kalluun ayaa si sharci darro ah looga soo qabtaa galbeedka badweynta Hindiya.'
Xeerarka kalluumeysiga ee gobolku waxa ay la halgamayaan sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen tirada badan ee maraakiibta warshadaha kallumaysiga ee aad u wayn, kuwaaso ay taageerayaan iyo gacanta ku haayaan ganacsi ajnabi damac badan leh, oo aan tixgalinayn burburka deegaanka.
Waa $2.3 bilyan - kharashka sannadlaha ah ee kharashaadka kalluumaysiga sharci-darrada ah, aan la soo sheegin iyo aan la xakamayn (IUU) ee Mauritania, Senegal, Gambia, Guinea Bissau, iyo Sierra Leone oo keliya.
Laga soo bilaabo Galapagos ilaa Gambia, wadamada soo koraya waxay dareemaan saamaynta maraakiibta warshadaha kallumaysiga shisheeye ee si sharci darro ah uga kalluumeysto si xad dhaaf ah iyagoon daryeel u hayn bulshada, deegaanka ama sharciga caalamiga ah.
Marka loo eego sahan ay samaysay Hay'adda Caddaaladda Deegaanka ee Ghana, 80-90% kalluumaysatada iyo hawl-wadeennada kalluunka ee sahankan ka qayb galey ayaa sheegay in dakhliga hoos u dhacay shantii sano ee la soo dhaafay. Isla mar ahaantaana, 70% ee kalluumaysatada ayaa sidoo kale waxyeello ka soo gaarey qalabkooda kalluumeysiga kaasoo sabab u ah maraakiibta warshadaha ee kallumaysiga.
Ixtiraam la'aanta deegaanku ma ahan kaliya kalluumeysiga. Dalka Gambia, warshad lagu nadiifiyo kalluunka ayaa la ogaaday inay qashinka ku daadisay kaydka duurjoogta badda. Biyuhu waxaa ku jiray labanlaab xadiga sunta arsenik iyo 40 jeer tirada fosfatetada iyo Nitrate-yada ee aad uga sarreeyo qiyaasta badbaadada ah. Si kastaba ha ahaatee, shirkadda waxaa lagu ganaaxay kaliya 25,000 USD.
Warqad 2021 ah oo lagu daabacay Siyaasadda Badda waxay ogaatay in ka hortagga kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo kuwa aan sharciga lahayn ay inta badan diiradda saareen kalluumeysiga yar-yar (SSF) halka ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan maraakiibta warshadaha ee kalluumeysiga.
Si loo sameeyo horumar macno leh oo qeexan, hogaamiyayaasha Afrika waxay ku biirayaan ciidamada si ay iska ilaaliyaan maraakiibta kalluumeysiga caalamiga ah, iyagoo codsanaya daahfurnaan dheeraad ah oo ku saabsan goobta ay joogaan maraakiibta, kalluunka ay soo qabteen iyo shirkadda iska leh.
Waxa kale oo jira baaqyo xooggan oo lagu doonayo in dib loogu habeeyo heshiisyada laba geesoodka ah ama gobolka ee jira kuwaas oo si aan qiyaas lahayn u waxyeeleeyey waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo ee xeebaha ku yaalo.
Khayraadka Afrika ayaa sidoo kale qayb ka qaadanaya. Elon Musk ayaa dhawaan gacan ka geystay in hawada sare loo diro saddex dayax-gacmeed oo cusub oo sameeyay dalka Koonfur Afrika, oo loogu talagalay in lagu ogaado, lala socdo iyo lagu aqoonsado maraakiibta shisheeye, oo ay ku jiraan maraakiibta badda.
Sida ay qabaan khubarada deegaanka iyo sharci-yaqaannada, xeerarka khuseeya kalluumaysiga biyaha caalamiga ah ayaa loo baahan yahay in la cusboonaysiiyo si ay uga tarjumaan xaaladda kalluumaysiga ee hadda jira. Hay'adaha dawladu waa inay hagaajiyaan maamulka, wadaaga macluumaadka xuduudaha iyo badaha, oo waa inay dib u habeyn ballaaran ku sameeyaan kormeerka iyo cunaqabateynta.
'Dadka marka horey ku dhibaatooba waa bulshooyinka xeebaha ku nool, oo ku tiirsan kalluumeysigaas badbaadadooda, ladnaantooda iyo cuntadooda.' Steve Trent, Agaasimaha Fulinta, Aasaaska Caddaaladda Deegaanka.