Labo mashruuc oo ay haweenku hogaaminayaan ayaa wax ka qabanaayo dhibaatooyinka biyaha ee Afrika

10/17/2022

Labo mashruuc oo ay haweenku hogaaminayaan ayaa wax ka qabanaayo dhibaatooyinka biyaha ee Afrika

Afrika waxay hadda dhibaato ku qabtaa saamaynta ugu weyn ee isbeddelka cimilada, gaar ahaan marka la eego cimilada aad u daran.

Helitaanka biyuhu waxay ahayd arrin goor dheer socdo oo weli aan wax laga qaban horumarka dalalka Afrika, iyadoo baahida sii kordheysa (tusaale ahaan, tirada dadka sida xawliga ah u koraya waxay macnaheedu tahay in loo baahan yahay beero ka badan). Markii kaasi lagu daro saamaynta sii xumaanaysa ee isbeddelka cimilada ku leeyahay saadka biyaha, ayaa mustaqbalka Afrika ka dhigaayo mid aan badanaa la hubin.

Abaaraha iyo biyo la’aanta ayaa horey u ahaa wax caadi ka ah Geeska Afrika, iyadoo Kenya ay soo food saaran tahay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah. Roobab ma di'in muddo saddex sano ah, kaasina wuxuu baabi'iyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax soo saarka beeraha, taasoo keentay in 18 milyan oo qofood ay qarka u saaran yihiin gaajo.

Dhibaatada biyaha ee Afrika ayaa si ka badan u saamaysa haweenka. UNICEF ayaa ku qiyaastay in adduunka oo dhan, haweenka iyo gabdhuhu ku baxa 200 milyan oo saacadood (22,800 sano) maalintii u safarka meelo ka fog gurigooda si ay biyo u soo qaadaan.

Intii madaxda Afrikaanka iyo kuwa caalamiga ah ay ku dadaalayaan sidii xal loo heli lahaa, haween yar oo Afrikaan ah ayaa arrimahooda gacmahooda ku qabtey, kaasoo keenay natiijooyin cajiib ah.

Biyo laga soo saaro ceeryaamo

'Dar Si Hmad' waa hindise waara aan macaash doon ahayn ee dalka Marooko, oo si iskaashi ah Jamila Bargach aasaastay 2010. Muddadaas, Marooko waxaa ka taagnaa biyo la'aan aad u xun, arrintaas oo hadda ka sii daray iyo noqday abaartii ugu xumayd muddo ku dhow soddon sano ah.

Xalka Bargach wuxuu ahaa mid fudud. In kasta oo webiyada iyo barkadaha biyaha lagu keydiyo ay ka engegeen aagga ay degnaan jirtay, haddana waxay aragtey in habeennimadii, ay weli ceeryaamo soo baxayso. Bargach iyo koox yar oo saynisyahano ah iyo horumariyeyaal ka socda Hay'adda Biyaha ee Jarmalka ayaa bilaabey inay dhisaan hab ay ka soo saaraan dhibic kasta oo biyo ah ee ku jirta ceeryaamada.

Waxay dhiseen shabag gaar ahaan loo farsameeyay si lagu 'qabto' xadiga ugu badan ee biyaha ee ka imaan kara qoyaanka ceeryaamada.

"Haddii aad ka fikirto shabagga kubbadda laliska - subaxda, waxaad helaysaa asagoo qoyaan ah, sababta waxaa weeye qoyaanka uu ururiyey. Waa isku mid,'' ayeey tiri Bargach.

Marka la qabto, qoyaanka ayaa la ururiyaa oo la marsiiyaa qalab gaar ah, ka dibna loo qaybiyaa weelo waxaana la kala siiyaa bulshada deegaanka.

Soo-saarkii ugu dambeeyay ee tignoolajiyada ceeryaamo-qabashada waa qalabka lagu magacaabo CloudFisher, waa kan ugu weyn noociisa adduunka, oo wuxuu awood u leyahay inuu deganayaasha tuulada siiyo ilaa 1,600 gallon oo biyo ah maalintiiba.

Kani muhiim uma ahan kaliya nolosha bulshada, oo wuxuu si gaar ah u yareeyay culayska saaran haweenka beelahan.

Socodka lacagta

Mashruuca ceeryaamada wuxuu ahaa fikrad gaar ah oo sidoo kaleba lagu maalgeliyay hab aan caadi ahayn.

Halkii laga isticmaali lahaa dariiqa caadiga ah ee lagu raadiyo maalgelinta dawladda (taasoo laga yaabo inay noqoto mid aan macquul ahayn gaar ahaan dhibaatada dhaqaale ka dib) Bargach iyo kooxdeeda waxay abaabuleen mutadaawiciin bulshadeed oo waxay raadiyeen deeqo. Maalgelintu waxay ka timid adduunka oo dhan, iyadoo lagu taageeray dhisidda 16 shabag tan ilaa 2010 ee tuulooyinka gobolka Aït Baamrane. Bargach iyo Dar Si Hmad, tani waa u bilow uun.

"Waxaan ku talo-jirnaa inaan ballaarino mashaariicda waxaana rajeyneynaa inaan isku xiri doono ugu yaraan siddeed tuulo oo kale, haddii aysan ahayn 12, taasoo ku xiran maalgelinta aan helno." ayay tiri.

Tuuboyinka biyaha ee lagama marmaanka ah

Dhinaca kale ee qaarada, Ruwaanda, hindise kale oo ay haweenku hogaaminayaan ayaa isbedel weyn u keenay bulshooyinka deegaanka ee Ruwanda.

Sannadkii 2014, Christelle Kwizera waxay aasaastay Water Access Rwanda. Ujeeddadu waxay ahayd in wax laga qabto dhimista wakhtiyada biyo-ururinta ee haweenka jaaliyadeeda iyadoo la horumarinayo kaabayaasha u oggolaanaya in si gaar ah loogu rakibo tuubooyinka biyaha guryaha dhaxdiisa, iyo sidoo kale meelaha dadweynaha biyo ka soo iibsan karaan qiimo jaban.

Adeegga ugu guulaha badan uguna waxtar badan ee Water Access Rwanda wuxuu ahaa waxa uu Kwizera ku macneysay 'Inuma'; waa nidaam 'shabaakad tuuboyin ah' mid kastaa wuxuu ku qaadanayaa 6-18 maalmood si loo dhiso. Mashruuca dhismuhu wuxuu fursado shaqo u abuurayaa xoogsatada iyo shaqaalaha waraabinta, kuwaas oo laga rabo inay qodaan ceelka.

Marka la dhammeeyo, waxaa la sameeyaa dhismo yar - kaaso ah meesha lagu iibiyo biyaha laga soo saaro ceelka - waxaana loo sameeyay bulshooyinka si ay u iibsadaan biyaha. In ka badan 1000 liitar oo biyo ah ayaa lagu iibsan karaa ku dhawaad $1, kaasoo casriyeenaayo iyo dimuqraadi ka dhihaayo helitaanka biyaha.

Guryo kasta oo khaas loo leeyahay oo u dhow shabaakada tuboyinka waxay ka wada xaajoon karaan habayntooda.

Guusha Kwizera ee ku aaddan u dagaalka is beddelka bulshadeeda ku nool Rwanda waxay ahayd bilow uun, waxayna hadda shaqaaleysiisaa kooxo waaweyn oo ka shaqeeyaa meelo fog sida DRC, Burundi iyo Ugaanda.

Miyuu jiraa rabitaan is-bedel?

Waxqabadyadaan hal-abuurka leh ay haweenku hoggaamiyaan sida Dar Si Hmad iyo Water Access Rwanda waxay bixinayaan mustaqbal ifaya oo waara ah ee sida Afrika wax ka qabaneyso isbeddelka cimilada.

Waxa mashaariicdaan ka dhigaya kuwo gaar ah waa falsafadahooda ku salaysan bulshada; dhibaatoyinka adag ee maxalliga ah waxa lagu xalliyaa aqoon maxali ah, taas oo bixisa rajo ah in xariifnimada Afrika ay horseedi karto xal ay bulshadu ka hogaamiso guud ahaan qaaradda Afrika.

La xidhiidha